Kooxda ugu fiican Xilli ciyaareedka ee horyaalka Serie A oo la shaaciyey – Yaa kaga jira kooxdaada 11-ka ugu wanaagsan?

(Rome) 09 Maajo 2018.  Waxaa la shaaciyey kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Serie A ama 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii la ciyaaray horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan gabagabada ah oo dhan.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa shaacisay shaxdan ka kooban 11-ka ciyaaryahan oo ay u aragto inay yihiin kuwii ugu bandhigga fiicanaa xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee horyaalka Serie A, waxaana hoggaaminaya Douglas Costa, Jorginho & Sergej Milinkovic-Savic.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Serie A ee Juventus ayaa shaxdan ku yeelatay labo xiddig si la mid ah Inter Milan, AS Roma iyo Napoli oo iyaguna 11-kaan xiddig ku yeeshay min labo laacib.

Dhinaca kale kooxda Lazio ayaa shaxdan xiddigaha ugu badan yeelatay waxaana ay ku leedahay saddex ciyaaryahankan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Serie A oo ay soo saartay Goal.com:-

Goolhaye: Alisson

Difaacyada: Joao Cancelo, Milan Skriniar, Medhi Benatia iyo Aleksandar Kolarov.

Khadka Dhexe: Jorginho iyo Sergej Milinkovic-Savic.

Weerarka: Douglas Costa, Luis Alberto, Lorenzo Insigne iyo Ciro Immobile.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close