Antonio Conte Oo Doonaya Inuu Ka Dhaqaaqo Chelsea Iyo Kooxda Uu Doonayo Oo Lasii Ogaaday

(Chelsea) 09 Maajo 2018. Tababaraha Talyaaniga ee Antonio Conte ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Chelsea ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay ku warameyso saxaafada Italy.

Wargeyska “Toto Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Antonio Conte uu sugayo go’aanka Juventus ee Massimiliano Allegri si uu ugu soo laabto kooxdiisii hore ee marwada duqda xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay saxaafada Talyaaniga Paris St Germain ayaa wali dooneysa inay lasoo saxiixato macalinka reer talyaani iyo kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri.

Dhinaca kale kooxda reer London ee Arsenal ayaa dhinaceeda ka dooneysa Massimiliano Allegri, si uu ugu noqdo badalka Arsene Wenger ee kooxda Arsenal, kadib mudo dhan 22 sano uu soo maamulayay.

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ayaa shaaca ka qaaday dhankiisa in Paris Saint-Germain iyo Arsenal ay isha ku hayaan xaalada Allegri ee kooxda Juventus, xili laga war qabo in macalinka reer Tallyaani uu kulan la qaatay saraakiisha kooxda Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close