Mourinho Oo La Ogaaday Inuusan Dooneynin In Anthony Martial Uu Ka Dhaqaaqo Kooxda Man United

(Man United) 08 Maajo 2018. Radio “Monte Carlo” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho inuusan dooneynin iibinta laacibka reer France ee Anthony Martial suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Anthony Martial ayaa ka mid ahaa xidigihii ugu fiicnaa kooxda Manchester United xili ciyaareedkan, laakiin tan iyo markii uu Old Trafford soo gaaray xidiga reer Chile ee Alexis Sánchez, wuxuu laacibka lumiyay booskiisa wuxuuna dalbanayaa in kooxda laga fasaxo.

22 jirkaan ayaa soo xirnaa maaliyada kooxda Manchester United mudo dhan saddex xili ciyaareed, wuxuuna markale doonayaa Jose Mourinho in uu kusii sugnaado Old Trafford xili ciyaareedka soo aadan.

Sida uu daboolka ka qaaday Monte Carlo Anthony Martial ayaa xiiseenaya ka tagista kooxda Man United si walba uu xaalka noqdo, sababa la xiriira inuusan hubin in si joogta ah uu kaga soo muuqan doono shaxda Jose, taasoo ka dhigeysa inuu dhageysto dalabyada kaga imaanaya kooxaha PSG, Juventus iyo Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close