Mid Ka Mid Ah Halyeeyada Kooxda Real Madrid Oo Xaqiijiyay In Neymar Jr Uu U Dhaqaaqi Doono Santiago Bernabéu

(Real Madrid) 08 Maajo 2018 Halyayga xulka qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid Paul Breitner ayaa sheegay in xidiga reer Brazil ee Neymr Jr uu u dhaqaaqi doono garoonka Santiago Bernabéu xili ciyaareedka soo aadan.

Paul Breitner ayaa wuxuu sheegay: “Neymar wuxuu muhim weyn u noqon doonaa Real Madrid xilli ciyaareedka soo aadan”.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa isna sheegay in hadalka Paul Breitner uu la mid ah qaar ka mid ah wargeysyada Faransiiska ee dhowaan muujiyay in Neymar uu ku biirayo Real Madrid xagaaga soo aadan.

Warar badan ayaa daboolka ka qaadaya in Neymar Jr uu ku biirayo Real Madrid, kadib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo aadan, iyadoo la filayo in uu kasoo dhaqaaqo kooxda Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close