Maxaa dhex maray Casemiro iyo Gerard Pique kulankii El-Clasico?

(Barcelona) 08 Maajo 2018 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa si jees jees ah ula hadlay xiddiga Real Madrid ee Casemiro intii uu socday kulankii El-Clasico.

Pique ayaa aad u dhaliilsanaa habka uu ciyaarta u maamulayay garsooraha kaas oo dhanka Real Madrid uu u xaglinayay.

Gerard Pique ayaa hoosta ka soo galay Casemiro xili laad xor ah loo dhigay Barcelona, wuxuuna u sheegay inuu qaladaadkiisa sii wadan karo maadaama xitaa jaale aan la siinayn.

“Isdaji, qaladaadka aad doonto sameey ileen garsooruhu jaale xitaa kuma siinayo” ayuu Gerard Pique ku yiri Casemiro isaga oo indhahana faraha ka galiyay.

Casemiro ayaa ka carooday hab dhaqanka Pique inkasta oo uusan samayn falcelin maadaama uu xooga saarayay ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close