Manchester United Oo Iska Fasaxeysa Laba Xidig Si Ay U Hesho Antoine Griezmann

(Man United) 08 Maajo 2018. Manchester United ayaa laga yaabaa inay bixiso labo ciyaaryahan ka tirsan safka kooxdeeda si ay ula soo saxiixato Antoine Griezmann, xili sidoo kale saxiixa laacibkan ay si xoogan u dooneyso kooxda Barcelona.

Wargeyska “Express” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Atletico Madrid ay xiiseeneysa labada xidig ku sugan Old Trafford ee Ander Herrera iyo Anthony Martial.

Xiisaha ka imaanaya kooxda ka dhisan caasimada Madrid ee dalka Spain ayaa waxay fududeyn kartaa in Manchester United ay meel gaaban ka hesho saxiixa Antoine Griezmann.

Red Devils ayaa ku iibineysa Herrera aduun dhan 30 million euros halka Martial ay isagana ku qiimeesay aduun dhan 50 million euros, si au dhameystirto heshiiska ay ku dooneyso Antoine Griezmann marka uu furmo suuqa xagaaga.

Atletico Madrid ayaa isha ku heysa inay ka faa’iideysato khadka dhexe reer Spain Ander Herrera, kaasoo aan hubin booskiisa kooxda Man United xili ciyaareedkan, halka Juventus ay iyadana u muuqato in ay u dhaw dahay saxiixa weeraryahanka reer France ee Anthony Martial.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close