Manchester City Oo Weyn Doonta David Silva Kulanka Brighton, Maxay Tahay Sababta?

(Man City) 08 Maajo 2018. David Silva ayaa ka maqnaan doona kooxda Manchester City kulanka Brighton ee Arbacada caawa ah kaasoo baaqi u ahaa labada kooxood kana tirsana kulamada 31-aad ee Premier Leagu.

Wargeyska The Sun ayaa wuxuu sheegay in David Silva uu u dhaqaaqay Spain si uu waqti ula soo qaato cunugiisii yar ee Matteo, kadib markii uu ogolaansho ka helay macalinka kooxda Man City Pep Guardiola.

Wargeyska The Sun ayaa wuxuu kasoo xigtay ilo ka tirsan kooxda Manchester City isagoo yiri: “David Silva wuxuu u safray Spain markii uu weydiistay tababaraha inuu ku laabto dalkiisa”.

“Uma maleynayo inuu ku soo laabanayo Axada sidoo kale, taasoo albaabka u fureysa Yaya Toure, Pep wuxuu doonayaa inuu siiyo daqiiqado dheeraad ah si uu u ciyaaro, hada ayayna arintaas dhici kartaa”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close