Laurent Koscielny oo fariintaan u diray taageerayaasha Arsenal iyo xulka France kadib dhaawicii gaaray

(London) 08 Maajo 2018 Daafaca kooxda Arsenal iyo xulka France ee Laurent Koscielny ayaa fariin mahadcelin ah u diray taageerayaasha ka xun dhaawicii soo gaaray.

Laurent Koscielny ayaa iskiis u dhaawacmay kulan Arsenal ay la ciyaaraysay kooxda Atletico Madrid khamiistii hore markaas oo bareelo looga qaaday garoonka.

Baaritaan dheer oo lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in xiddigu uu garoomada ka maqnaanayo muddo dhan 6-bil maadaama uu marayo qaliin.

32 jirkaan ayaa markii ugu horaysay fariintaan la wadaagay taageerayaasha, wuxuuna soo qoray:

“Waxaan doonayaa inaan idiinka mahadceliyo fariimihii aad ii soo dirteen tan iyo markii aan dhaawacmay, qaliinku sifiican ayuu u dhacay”.

“Waxaan galaynaa marxalad cusub, waxaan u samaysanahay dagaal, waxaan u mahadcelinayaa qoyskayga, asxaabtayda iyo qof walba oo i garab taagan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close