Kooxda Xilli ciyaareedka ee horyaalka La Liga oo la shaaciyey – Yaa xiddigaha ugu badan ku leh Real Madrid & Barcelona 11-ka ugu wanaagsan?

(Madrid) 08 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka La Liga ama 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii la ciyaaray horyaalka Spain xilli ciyaareedkan gabagabada ah oo dhan.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa shaacisay shaxdan ka kooban 11-ka ciyaaryahan oo ay u aragto inay yihiin kuwii ugu bandhigga fiicanaa xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee horyaalka La Liga, waxaana hoggaaminaya Lionel Messi, Cristiano Ronaldo & Goolhaye Oblak.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa xiddigaha ugu badan ku yeelatay shaxdan waxaana ay ku leedahay afar ciyaaryahan, halka labada kooxood ee ka wada dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ay min labo laacib ku leeyihiin shaxdan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka La Liga:-

Goolhaye: Jan Oblak

Difaacyada: Alvaro Odriozola, Diego Godin, Samuel Umtiti iyo Jordi Alba

Khadka Dhexe: Sergio Busquets, Toni Kroos iyo Fabian Ruiz

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Iago Aspas iyo Lionel Messi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close