Iniesta oo jacaylka uu u qabo Messi soo muujiyay markii la badalayay kulankii El-Clasico (Hadalkii uu ku yiri markii uu kabtanka u dhiibaayay oo la ogaaday)

(Barcelona) 08 Maajo 2018 Kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta ayaa jacaylka uu u qabo saaxiibkiis ahna ku xigeenkiisa soo muujiyay kulankii El-Clasico.

Tababare Valverde ayaa ciyaarta ka saaray Andres Iniesta oo ciyaaray habeenkaas kulankiisii ugu danbeeyay ee El-Clasico.

Iniesta ayaa calaamada kabtanka siibay wuxuuna u geeyay Messi isaga oo ku yiri hadal wayn oo qalbiga ka taabtay xiddiga reer Argentina.

“Hoo Leo, aad ayaan kuu jeclahay” ayuu Andres Iniesta ku yiri Messi markii uu siinayay calaamada kabtanka, labada laacib ayaana xabadka is galiyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close