Goormee Ayaa Lagu Lagu Dhawaaqi Doonaa Ganaaxa Sergi Roberto Iyo Kulamada La Filayo Inuu Maqnaado?

(Barcelona) 08 Maajo 2018. Waxaa daboolka laga qaaday waqtiga uu xiriirka kubada cagta dalka Spain ku dhawaaqi doono ganaaxa difaaca kooxda Barcelona Sergi Roberto, kadib markii uu kaarka casaanka ee toos ah la siiyay kulankii El Clasico ee kusoo idlaaday barbaro 2-2.

Sergi Roberto ayaa qalad toos ah ku sameeyay difaaca garabka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo daqiiqadii 44-aad taasoo keentay in garsoore Alejandro Jose Hernandez Hernandez uu siiyo karaka roosaha ee toos ah.

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa wuxuu sheegay in bari oo arbaco ah si rasmi ah loogu dhawaaqi doono ganaaxa Sergi Roberto, waxaana la filayaa inuu noqon doono labo kulan.

Laakiin waxaa dhinaca kale uu wargeyska sheegay in Barcelona ay racfaan ka qaadan karto hal kulan, si uu Sergi Roberto u maqnaado kaliya hal kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close