Gennaro Gattuso Oo Fariin Cad U Diray Kooxda Juventus Kahor Kulanka Finalka Ee Coppa Italia

(AC Milan) 08 Maajo 2018 Tababaraha kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa u muuqda mid aaminsan in Juventus ay kala kulmi karaan guuldaro balse uu doonayo ciyaartoudiisa in ay muujiyaan xamaasad iyo geesinimo inta ay ku gudi jiraan gudaha garoonka.

Gennaro Gattuso ayaa kasoo muuqday shirkiisa jaraa’id kahor kulanka Finalka Coppa Italia ay kula ciyaari doonaan kooxda Juventus habeen dambe ee Arbacada Stadio Olimpico, wuxuuna fariin u diray ciyaartoydiisa.

“Juventus wexey leedahay maskax xoogan, laakiin waxaan awoodnaa inay sameyso waxaan caadi ahayn, Bianconeri ma ahan kooxda kaliya ee ugu cad cad,  inkastoo ay tahay koox weyn isla markaana ay si Geesinimo leh ay kaga ciyaarto weerarka iyo dhanka difaaca intaba”.

“Waxaan u sheegay ciyaartoyda muhiimadda ay u leeyihiin inay u ciyaaraan sida ugu fiican, kani waa kulan finalka ah wuxuuna u dhigmaa koobka aduunka marka loo fiiriyo jamaahiirteena, sababtoo ah waxay doonayaa in markale ay koob qaadaan”.

“Kani waa kulankii iigu muhiimsanaa xirfadeyda tababarka, waxaa jiray niyad jab ku aadan xiliyadii lasoo dhaafay, laakiin waxaa waajib ah in waxa soo socda ay inoo fiicnaadaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close