FIFA oo ganaax ku riday Ruushka ka hor koobka adduunka

(Moscow) 08 Maajo 2018 Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ganaax dusha ka saaray xiriirka kubadda cagta dalka Ruushka ka hor koobka adduunka.

Ganaaxa FIFA ayaa yimid kadib markii taageerayaasha xulka Ruushku ay cunsuriyad kula keceen ciyaartoyda xulka France kulan saaxiibtinimo oo labada xul ay wada ciyaareen bishii March ee sanadkaan.

Taageerayaasha xulka qaranka Ruushka ayaa ku qaylinayay codka daanyeerka marwalba oo mid kamid ah ciyaartoyda madowga ah uu taabto kubadda.

FIFA ayaa ku ganaaxday xiriirka Ruushka bixinta lacag dhan 25 kun oo euro, arinkaan ayaana imaanaya xili Ruushku uu marti galinayo koobka adduunka bisha dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close