Dani Carvajal Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Diyaar U Yahay Kulanka Finalka Champions League

(Real Madrid) 08 Maajo 2018. Difaaca kooxda Real Madrid Dani Carvajal ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo ka qeyb qaadashada finalka Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda Liverpool magaalada Kiev Ukraine.

Los Blancos ayaa 26-ka bishan May la kulmi doonto dhigeeda reer England ee Reds, kooxda ka dhisan caasimada Madrid ayaa kulanka finalka Champions League kusoo gaartay kadib markii ay kaga soo gudubtay  dhigeeda Bayern Munich.

Halka kooxda uu hogaaminayo Jürgen Klopp ay dhankeeda kasoo gudubtay kooxda reer Talyaani ee AS Roma, Real Madrid ayaana finalka tartankan soo gaartay markii saddexaad ee xidhiidh ah.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa u xaqiijiyay taageerayaashiisa inuu ka gudbay dhibaatooyinkii uu dareemay ee sababay inuu ku seego kulamadii lasoo dhaafay ay ciyaartay kooxda Real Madrid.

Dani Carvajal ayaa hada diyaar u ah inuu kahor yimaado Mohamed Salah iyo saaxiibadiis wuxuuna yiri: “Waxaan bilaaway inaan ku ciyaaro kubada cagta dareenkeygu wuxuu ahaa mid cajiib ah, mana dareemin wax xanuun ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close