Booliiska talyaaniga oo baaritaan hordhac ah ku ogaaday sababtii ka danbaysay geeridii kabtankii Fiorentina

(Fiorentina) 08 Maajo 2018 Booliiska dalka talyaaniga ayaa si hordhac ah u ogaaday sababtii ka danbaysay geeridii lama filaanka ahayd ee kabtankii Fiorentina.

Davide Astori ayaa laga soo dhex qaaday Hotel kooxdiisa Fiorentina ay daganayd isaga oo mayad ah taas oo amakaag ku noqotay guud ahaan kubadda cagta dalka talyaaniga.

Image result for davide astori

Football Italia ayaa daaha ka qaaday in wali baaris ay ku socoto maydka Davide Astori, waxaana si hordhac ah loo ogaaday in laacibku uu geeriyooday kadib markii wadnihiisu uu si dabiici ah u shaqayn waayay.

Kooxda dhaqaatiirta ah ee baarista gacanta ku haaya ayaa codsaday in la sugo ilaa 30-maalin oo dheeri ah si loo hubiyo wararka sheegaya in laacibku uu u geeriyooday sun la siiyay.

30-maalin kadib ayaana si rasmi ah loo shaacin doonaa sababta dhabta ah ee ka danbaysay geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Davide Astori.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close