Barcelona Oo Ku War Galisay Atletico Madrid In Lasoo Afjaro Heshiiska Antoine Griezmann

(Barcelona) 08 Maajo 2018. Ilo ka ag dhow Radio ” Tempo” ee dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen in kooxda Barcelona ay go’aamisay heshiiska ay ku dooneyso saxiixa Antoine Griezmann

Radio ” Tempo” ayaa wuxuu ku sheegay bartiisa Twitter-ka In kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ay ka go’antahay kasoo saxiixashada Antoine Griezmann.

Barcelona ayaa bixin doonta aduun dhan 100 milyan euro ka hor inta uusan bilaaban Koobka Aduunka 2018, sida laga soo xigtay gabadha wariyaha ah ee reer Spain Helena Reporter.

Helena Reporter ayaa shaacisay in Barcelona ay meel u dhigtay weeraryahanka reer France iyo kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann maaliyada No. 7-aad.

Barcelona ayaa ilaa iyo haatan u muuqata mid ku guuldareesatay in ay buuxiso booska Neymar Jr, inkastoo ay kagala soo saxiixatay Ousmane Dembélé dhigeeda Borussia Dortmund aduun dhan 110 milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close