Andres Iniesta oo hadal cajiib ah ku qoray funaanadii uu siiyay Ramos kulankii El-Clasico

(Barcelona) 08 Maajo 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa siiyay funaanadii uu ku ciyaaray kulankii El-Clasico kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.

Andres Iniesta ayaa ku sharfay Ramos funaanadii uu ku ciyaaray El-Clasico-dii ugu danbaysay ee uu ka soo muuqdo si ay ugu noqoto xusuus.

Sergio Ramos ayaa xalay bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka funaanadii uu ka helay Andres Iniesta oo ka tagaya Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Iniesta ayaa ku qoray funaanadii uu siiyay Ramos hadaladaan:

“Ku socota saaxiibkeey Sergio, waqti badan si wada jir ah ayaan u qaadanay mid kalena anaga oo iska soo horjeedna, mahadsanid, nasiib wacan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close