Zidane oo xalay arin qurux badan u sameeyay Andres Iniesta

(Barcelona) 07 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Real Madrid ayaa arin aad loo jeclaystay xalay u sameeyay kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta.

Sida ay baahisay Marca, tababare Zidane ayaa muddo dhan 5-daqiiqo ku sugayay Andres Iniesta halka looga soo baxo garoonka si uu u sagootiyo.

Tababaraha reer France ayaa salaamay Iniesta, wuxuuna galiyay laabtiisa, mana u muuqan laba qof oo cadaw isku ah balse waxay u muuqdeen sida laba nin oo aad isku qadarinaya.

Sagootinta tababare Zidane ayaa ku soo aaday xili Iniesta uu si rasmi ah u shaaciyay inuu ka tagayo Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close