Kabtan Ramos oo sheegay in Messi uu SABAB u ahaa in Garsooraha uu ku Jiifto Real Madrid!!

(Spain) 07 Maajo 2018. Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa sheegay Ciyaarta kaddib in Lionel Messi uu Cadaadis saaray Garsooraha taa oo keentay inuu xaqeeda siin waayo Real Madrid.

Kabtanka xulka Argentina ayaa la wariyay inuu si xun u weeraray Garsooraha ciyaarta intii loo socday qolka dhar badelashada qeybta hore ee ciyaarta.

“Dhammaan waan aragnay Messi oo Cadaadis ku saaray garsooraha Kanaalka looga soo duso garoonka intii lagu guda jiray qeybta hore,” Ramos ayaa sidaa u sheegay Cope.

“Laga yaabee inay midaa tahay sababta uu si fiican u sameyn waayay Garsooraha qeybta labaad.

“Waan ogahay wixii uu yiri Messi laakiin ma doonayo inaan halkan ku soo celiyo.”.

Ramos oo sidoo kale la hadlay Marca ayaa yiri yiri:

“Messi cadaadis yar ayuu garsooraha ku saaray Kanaalka, ma garanayo haddii ay Kaamirooyin jireen.

“Waa Kubbada cagta waxkastana waa in looga soo tagaa garoonka haddii uusan ahayn wax ku dhaawacaya. Waa inaad lahaataa Ixtiraamkaas.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close