HUBAAL: Barcelona oo la Kulantay Wakiilka Griezmann

( Spain ) 07 Maajo 2018. Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay in wadahadalo ay la furteen wakiila xiddiga Antoine Griezmann horaantii bisha October.

Laakibka France ayaa ahaa mid weyn loola xariirinaayay u dhaqaaqista Barca dhamaadka kal ciyaareedkan, iyadoo asbuucii hore uu Luis Suarez sheegay in heshiiska laacibka Atletico kal horaba lagu heshiiyay.

Inkasoo uu macalinka Atletico Madrid Diego Simeone uu beenitay arinka Griezmann – kasoo lagu burburin karo heshiiskiisa €100 milyan oo euro –ayaa la filayaa in mustaqbalkiisa la xaliyo ka hor koobka adduunka.

Bartomeu waxa uu leeyahay waan sameyay xariirka 27- jirkaan horaantii kal ciyaareedkan.

“Ma ka hadlin ciyaartoyda kooxaha kale,” Bartomeu ayaa markii hore u sheegay RAC, sida ay ka soo xigatay Sport.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan arkay Griezmann hal maalin oo fasax ah, waxaan la kulanay wakiilkiisa, haa, waxay aheyd October.

“Waxaan kala hadalnay madaxweynaha Atletico Enrique Cerezo mowduucyo badan, xiriir wanaagsana waan la leenahay.”

Natiijada sawirka Griezmann

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close