WAR CUSUB: Sergio Ramos oo Ansixiyay in Maxamed Saalax uu….!!

(Madrid) 06 Maajo 2018. Xiddiga Liverpool Maxamed Saalax ayaa ku jira qaab ciyaareed aan innaba caadi ahayn tan iyo sidii uu ugu soo biiray Liverpool isagoona xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay sii cago cageynaya 43-gool.

Wiilka reer Masar ayaa ka caawiyay kooxda Jurgen Klopp inay usoo baxaan Final ka Champions League iyagoo daba yaaqada bishan ku wajihi doona Real Madrid.

Qaab ciyaareedka shidan uu ku jiro Maxamed ayaa kiciyay qiyaas fikradeedka laga qabo mustaqbalkiisa, iyadoo wararku soo jeedinayaan in Real Madrid ay dooneyso inay keento Bernabeu,

Warar ka imaanaya Spain ayaa tibaaxaya in Saalax uu bartilmaameedka koowaad u yahay Madaxwayne Florentino Perez kaa oo isbadel wayn ku sameynaya kooxda.

Warsidaha Don Balon ayaa sheeganaya in Ramos uu aqbalay isla markaana uu aad u doonayo in Maxamed Saalax kooxda la keeno.

Camaaliqada Spain ayaa sida al sheegay qorsheynaysa heshiis is dhaafsi ah uu Gareth Bale ku aadayo dhanka kale si ay u hesho wiilka Masaariga ah.

Kabtan Sergio Ramos ayaa aamisan in Madaxwayne Perez uusan joojin doonin dadaalkiisa ilaa uu Saalax ka helo.

Waxa kaliya ee iminka ka hor taagan sheekada ayaa la sheegayaa inay tahay sidii Bale loogu qancin lahaa inuu u dhaqaaqo Liverpool maadaama uu doorbidayo inuu ku biiro kooxdiisii hore ee Tottenham.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close