Ribéry Oo Ka Hadlay Go’aankiisa Kaga Aadan Heshiis Kor Dhintiisa Bayern Munich & Robben Oo Aan Wali Wax War Ah Laga Helin

(Bayern Munich) 06 May 2018. Wararka ka imaanaya gudaha dalka Germany ayaa waxay shaaca ka qaadeen go’aanka kaga aadan labada xidig ee kooxda Bayern Munich Franck Ribéry iyo saaxiibkiis Arjen Robben heshiis kor dhintooda kooxda, maadaama uu soo dhamaanayo heshiiskooda haatan dhamaadka xili ciyaareedkan.

Shabakada “T Z” ee dalka Germany ayaa sheegtay in Franck Ribéry uu cusbooneysiin doono heshiiskiisa kooxda Bayern Munich maalmaha soo socda halka Robin uu sugi doono in badan.

Bayern waxa ay dalab hal xili ciyaareed kale u dirtay bartamaha bishii ee April ee lasoo dhaafay, labada ciyaaryahan kaasoo soo idlaan doono sanada 2019, haatan kooxda reer Germany ayaa durbadiiba heshay ogolaanshaha wakiilka Ribéry

Laakiin waxaan wali la xaqiijin Mustaqbalka Arjen Robben ee kooxda Bayern Munich, waxayna wararku tilmaamayaan in xidiga reer Holland uu ka fikirayo inuu soo gabagabeeyo xirfadiisa ciyaareed xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close