Muxuu Ka Yiri Halyayga Reer Brazil Rivaldo Kulanka Xiisaha Badan El Clásico?

(La Liga) 06 May 2018. Waxaa garoonka Cump Nou ka soconaya kulanka ugu xiisaha iyo xamaasada badan heer kooxeed ee El Clásico, ee u dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, kaasoo ka tirsan kulamada 36-aad ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa kusoo guuleesatay koobka horyaalka La Liga kahor kulanka caawa ee El Clásico, kadib markii ay kulankii lasoo dhaafay guul muhiim ah kasoo gaartay kooxda Deportivo La Coruna.

Halyayga xulka qaranka Brazil Rivaldo ayaa ka hadlay kulanka wuxuuna yiri: “Waxa ay noqon doontaa kulan adag ee labada dhinac ah, Real Madrid waxay dooneysaa inay badiso, ugu yaraan inay ciyaaraan kulan adag. Barcelona waxay dooneysaa inay dhameystirto horyaalka aan laga badinin wax kulan ah”.

Wuxuu noqon doonaa kulan weyn oo Andres Iniesta ah, waxaan u rajeynayaa kulan weyn weyn maanta”.

“Waa xusuus aad u fiican inaan ka hornimaadno Real Madrid, qof walba ayaa ka hadlaya kulamada derby iyo El Clásico, nasiib ayaan u leeyahay inaan ciyaaray kulankan cajiibka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close