Louis van Gaal Oo Si Weyn U Amaanay Andres Iniesta Kahor Kulanka El Clásico

(Barcelona) 06 May 2018. Tababarihii hore ee kooxaha Barcelona iyo Man United Luis Van Gaal ayaa amaanay kabtanka haatan ee Barça, Andres Iniesta, kaasoo ciyaari doonaa kulankiisii ugu dambeeyay ee El Clásico uu kahor imaan doono kooxda Real Madrid.

Luis Van Gaal ayaa u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain kahor inta uusan bilaawan daqiiqado kooban kulanka El Clásico wuxuuna yiri: “Waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee aan horay u arkay”.

“Waxa uu sameeyay xirfad weyn, wuxuu leeyahay xirfad kubadeed cajiib ah ee lagu xasuusan karowuxuu noqon doonaa kii ugu fiicnaa isaga”

“Waxa uu sameeyay wax badan intii uu kubada cagta ciyaarayay, waa ciyaaryahan cajiib ah garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa intaba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close