HORDHACA: Arsenal vs Burnley

( Premier League) 06 Maajo 2018. Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kulan ka tirsan cayaaraha horyaalka Premier League naadiga Burnley.

Gunners ayaa markale awood u laheeyn in ay kamid noqoto afarta sare horyaalka xili asbuucii hore laga reebay tartanka Europe League waxayna taa oo gabagabeysay ka geyb galka Champions League kal ciyaareedka dambe.

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Premier league

Waqtiga: 06:30 pm saacada geeska Africa

Garsooraha: Andre Marriner

Garoonka: Emirates stadium

Wararka labada kooxood

Arsenal waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Laurent Koscielny, kasoo dhaawac xun usoo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay guuldarada kala kulmeen Atletico Madrid maalintii khamiista.

Mohamed Elneny iyo Santi Cazorla ayaa iyaguna ka maqanaanaya kulanka u dambeya uu Arsene Wenger kumaamulayo Arsenal garoonkooda.

Burnley ayaa hubin doonta Chris Wood markii uu ka baxay kulankii barbarha kooxda Brighton wuxuuna ka dhibtoonayay cagta.

Ben Mee ayaa wali ku maqan dhaawac halis ah halka Scott Arfield uu ku seegayo kulanka dhaawac kubkaa.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

Arsenal ayaa badisay lixdii kulan ee u dambeysay oo ay garoonkooda kula cayaaraan kooxda Burnley dhamaan tartamada tan iyo guuldaro 1-0 oo horyaalka ah oo soo gaartay bishii September sanadkii 1974.

Burnley ayaa awoodi la’ in ay garaacaan Arsenal sagaal kulan oo tartamadoo dhana, waxa ay guuldareysteen todoba kulan xariir ah. Guushoodii u dambeysay waxay aheyd koobka League Cup bishii December sanadkii 2008.

Seddaxdii kulan ee u dambeysay oo ay labada naadi ku kulmaan horyaalka Premier League waxaa la go’aaminyay guusha 90-ka daqiiqo.

Safafka mcquulka ah ee kooxaha Arsenal vs Burnley.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close