Gerard Pique oo ku dhawaaday inuu dhaawac halis ah gaarsiiyo Ronaldo +SAWIRRO

(Barcelona) 06 Maajo 2018 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa si xun u jilaafay Cristiano Ronaldo xili uu kooxdiisa u dhaliyay goolkii barbaraha.

Ronaldo oo kubadda ku hubsaday shabaqa ayuu gadaal ka soo jilaafay Gerard Pique oo ku dadaalayay in kubaddu aysan galin goolka.

Laakiin labada laacib iyo kubaddii ayaa hal mar isla wada galay shabaqa, Ronaldo ayaana wajigiisa laga dareemay inuu aad u xanuunsaday.

Gerard Pique ayaa ka raali galiyay Cristiano Ronaldo qaabkii qaldanaa ee uu u jilaafay, baqdin ayaana soo wajahday taageerayaasha Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close