Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh U Yiilay Ku Dhaafay Kulanka El Clásico

(Real Madrid) 06 May 2018. Cristiano Ronaldo ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxda Real Madrid karid markii ay Barcelona gool kaga hor martay kooxda Barcelona kulanka El Clásico ee haatan ka soconaya garoonka Cump Nou.

Shabakada “Squawka” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidiga reer Portugal goolka uu ka dhaliyay ter Stegen uu yahay kiisii 43-aad ee xili ciyaareedkan dhamaan tartamada oo idil, wuxuuna sidaas ku dhaafay rikoodhkii uu isla isaga sameeyay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale “Sky Sports” ayaa wuxuu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka in Cristiano Ronaldo uu gaaray goolkiisii 449 ee kooxda Real Madrid, halka Lionel Messi uu u dhaliyay Barcelona 550 gool, taasoo ka dhigeysaa in goolasha labada ciyaaryahan isku darkooda ay gaarayaan 999 gool

Dhanka kale xidiga reer Portugal ayaa dhaliyay goolkiisii 25-aad ee xili ciyaareedkan horyaalka La Liga, taasoo ka dhigeysa in kaalinta labaad uu kaga jiro dhanka gool dhalinta, wuxuuna kaga gadaaleeyaa Messi oo ku hogaaminaya gool dhalinta 33 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close