Barcelona & Real Madrid oo isku Garba Dhacay…Iyadoo Barca ay Toban Cayaartoy aheyd kulanka+SAWIRRO

( La liga ) 06 Maajo 2018. Barcelona oo ilaashatay rikoorkeeda guuldaro la’aanta kadib markii ay barbaro 2-2 la gashay kooxada Real Madrid cayaarta El Clasico.

Qeybta hore kulan cayaareedka El Clasico ee u dhaxeeya Barcelona iyo Real Mdrid ayaa lagu kala nastay 1-1.

Sidii hore loo filayay kooxda Madrid uma aysan sameyn wax saf sharafeed ah kooxda Barca oo horyaalka hore u hanatay.

Daqiiqadii 10-aad ee dheesha Luis Suarez ayaa dhaliyay goolka furitaanka cayaarta kadib markii uu si qurux badan goolka ugu dhameystiray diib ka yimid xiddiga Sergi Roberto.

Wax badan ma aysan heyn hogaanka kooxda Barcelona waxaana yimid gool barbaraha Real kasoo uu dhaliyay Cristiano Ronaldo markii uu la kulmay kubadd uu soo madaxeyay Benzema.

Labada koox ayaa soo bandhigay cayaar isku dheeli tiran oo weerar iyo weerar celis ah, balse waxaa waqtigii dheeriga ee qeybta koowaad casaan la siiyay Sergi Roberto oo fal gacan qaad ah kula kacay Marcelo kaasoo kubadd adag ku  cadaadiyay daafaca Barca.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda Barcelona oo noqotay toban cayaariyahan ayaa muujisay daal wayn waxa ayna la yimaadeen gool uu si farsameysay shaqaba u dul dhigay Lionel Messi daqiiqadii 53-aad.

Dhawr fursad kale ayaa soo martay kooxda Barca oo mid kamid ah uu goolhayaha Real Madrid ka badbaadiyay Messi markii uu helay kubadda  weerar celis ah.

Basle Real Madrid oo dib is kala qabsatay cayaarta ayaa la timid goolka bareejada waxaana si cajiib ah goolka darbo ugu shubay Barcelona Gareth Bale markii uu baas maskaxeesan uu ka helay Marco Asensio.

Qeybaha dambe ee dheesha Real ayaa cadaadis badan saartay Barcelona iyagoo dhawan walba kaga keentay weerar. Balse kulanka ayaa ku idlaaday 2-2.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close