Arsene Wenger oo caawa sameeyay arin ay adag tahay in tababare walba uu sameeyo!!

(London) 06 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa caawa sameeyay arin ay dag tahay in tababare walba uu sameeyo.

Intii lagu guda jiray sagootintii tababaraha reer France ee garoonka Emirates ayuu arkay Arsene Wenger wiil yar oo boor ku soo qortay inuu doonayo garabaatigiisa.

“Arsene, Fadlan ma heli karaa garabaatigaaga” ayuu wiilka yar ku soo qortay boor uu la soo galay garoonka.

Wenger ayaa la dhacay codsiga uga yimid wiilka yar, wuxuuna durba u siibay garabaatigiisii, isaga oo si fiican u gudoonsiiyay wiilka yar.

Arinkaas ayaana ah mid ay adag tahay in tababare walba uu sameeyo maadaama garabaatigu uu yahay waxyaabaha lagu saxo labiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close