Arsenal oo Guul Dahabi ah ku Sagootisay kulankiisii u Dambeyay ee Emirates Arsene Wenger+ SAWIRRO

( Premier League ) 06 Maajo 2018. Asenal ayaa ugu awood sheegatay garoonkeeda kooxda Burnley iyagoo ku xaaqay 5-0 xili uu kulankiisii ugu dambeyay kooxda uu ku maamulay Emirates macalikooda Arsene Wenger

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Gunners.

Daah furka goolka waxa u bilaabay Arsenal Xiddigooda Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 14-aad ee dheesha.

Halka uu goolka labaad dhaliyay Alexandre Lacazette daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray cayaarta qeybteeda koowaad.

Dib markii ay u bilaabatay kaambiyaha labaad gunners ayaa bilaawday guulaan aan kala joogsi lahayn waxaan ay dhaliyeen goolka seddaxaad ee cayaarta iyadoo uu shabaqa u gaaray daafaca Sead Kolasinac daqiiqadii 54-aad.

Dhawr daqiiqo kadib markale waxaa Arsenal goolka u gaaray Alex Iwobi oo darbad xoogan ku hubsaday goolka kasoo ahaa baas uu ka helay Aubameyang.

Ugu dambeyn Arsenal waxaa goolasheeda soo xiray  Pierre-Emerick Aubameyang oo dhaliyay goolka shanaad ay guusha ku qaaday kooxda waqooyiga London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close