Yaya Toure Oo Aan Dooneynin Inuu Ka Dhaqaaqo Horyaalka Premier League

(Man City) 05 Maajo 2018. Tababaraha Isbaanishka ah Pep Guardiola ayaa ku dhawaaqay in Yaya Toure uu ka tagi doono Manchester City dhamaadka qandaraaska 2017/2018, si uu u sii raadsado kooxda uu ku biiri lahaa.

Yaya Toure ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Manchester City, waxaana uu awooday inuu kula guuleysto dhamaan tartamada kala duwan ee gudaha England, tan iyo markii uu yimid sanadii 2010 ilaa iyo waqtigan.

Laakiin sida ay wararka xaqiijinayaan Yaya Toure  ayaa wuxuu doonayaa inuu sii joogo horyaalka Premier League, inkastoo uu da ‘adiisu weenaatay, hadana waxaa suuragal ah in ay jiraan kooxo doonaya adeegiisa.

Yaya Toure ayaa ku guuleystay koobka FA Cup sanadkii 2011, wuxuuna dhaliyay gool kulankii finalka, Sky Blues ayaana xili ciyaareedkan markale loo caleemo saaray ku guuleysiga horyaalka Premier League,

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close