Tababarka Real Madrid ee ka hor kulanka El-Clasico +SAWIRRO

(Madrid) 05 Maajo 2018 Ciyaartoyda Real Madrid ayaa saaka qaatay tababarkii ugu danbeeyay ee ay ugu diyaar garoobayeen kulanka habeen dambe.

Tababarka waxaa ka soo muuqday daafaca reer France ee Raphael Varane kaas oo laga cabsi qabay inuu seego kulanka.

Sidoo kale, Isco oo kooxda ka maqnaa kulankii lugta labaad ee Bayern Munich ayaa ka qayb qaatay tababarka ka hor kulanka Barcelona.

Dhamaan xiddigaha muhiimka u ah Real Madrid ayaa si dabiici ah uga qayb qaatay tababarka taas oo cadaynaysa taam ahaan shadooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close