Santi Cazorla Oo Hadiyadii Ugu Dambeesay Ka Sugaya Inuu Ka Helo Arsène Wenger

(Arsenal) 05 May 2018. Santi Cazorla ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Arsenal, xiddiga reer Spain ayaa rajeynaya inuu mar kale ciyaaro xilli ciyaareedkan.

Kubadsameeyaha reer Spain ayaa garoomada ka maqnaa muddo 19 bilood ah tan iyo bishii October 2016, sababa la xiriira dhaawac halis ah ee kasoo gaaray lugta, laakiin haatan wuxuu ku dhow yahay inuu ku soo laabto garoomada.

Arsene Wenger ayaa la filayaa inuu fursad siin doono Santi Cazorla kulankiisa ugu dambeeya uu maamuli doono kooxda Arsenal, kadib markii uu si buuxda ugu soo laabtay tababarka.

Santi Cazorla ayaa doonaya in uu daqiiqado ka helo kulamada ay Gunners ka ciyaari doonto labada isbuuc ee soo aadan, taasoo albaabada u furi karta in markale uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer London.

33 jirkan ayaa heshiiska uu ku joogo kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan 2017/2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close