Rudiger: “Salah Wax Badan Ayaa Iska Badalay Inta U Dhaxeysa Xirafadiisa Kooxaha Roma Iyo Liverpool”

(Chelsea) 05 May 2018. Difaaca kooxda Chelsea Antonio Rüdiger ayaa amaanay saaxiibkiis hore kooxda Roma Mohamed Salah, kahor kulanka ay isaga hor imaan doonaan garoonka Stamford Bridge, iyagoo kala xiran maaliyadaha kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Antonio Rüdiger ayaa u sheegay shabakada ESPN: “Salah waayihiisa AS Roma aadbuu u fiicnaa, balse mararka qaar wuxuu ku guuldareesan jiray inuu turjumo fursadaha qaar”.

“Laakiin xilli ciyaareedkan wuxuu bahal ku noqday goolka hortiisa, xili xaaladiisa caafimaad ay ka wanaagsan tahay haatan waayihiisa kooxda AS Roma”.

Rudiger ayaa la weydiiyay fursada uu Mohamed Salah ku heli karo abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yiri: “Si aan daacad u ahaado, waxaan rajeynayaa inuu ku guuleysto. Laakiin waxba kama sheegi karo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close