Romelu Lukaku, Oo Laabta U Qaboojiyay Jamaahiirta Kooxda Manchester United

(Man United) 05 May 2018. Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa xaalada aan wanaagsaneen ku gudi jira, kadib guuldaradii kasoo gaartay kooxda Brighton kulankii Jimcahii lasoo dhaafay ee Premier League.

Waxaa kulankan dhaawac kaga maqnaa kooxda Manchester United Romelu Lukaku, kaasoo kasoo gaaray kulankii Arsenal waxayna walaac ku abuurtay tababaraha kooxda Red Devil ee Jose Mourinho.

Kulankii Brighton Jose Mourinho ayaa wuxuu kusoo wada bilaawday Marcus Rashford iyo Anthony Martial, laakiin labada xidigba waxay niyadjabeen markii hore, gaar ahaan Rashford

Ka dib ciyaarta shalay Mourinho oo ka careesan ciyaartoyda koxdiisa ayaa u sheegay saxaafada: “Hadda waad ogtahay sababta uu Lukaku, mar walba u ciyaarayo”.

Laakiin sheekada ugu xiisaha badan ee u wanaagsan dhagaha jamaahiirta Manchester United ayaa ah in Romelu Lukaku uu rajo weyn galiyay kooxdiisa maadaama ay suuragal tahay inuu ciyaaro finalka koobka FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close