Raphael Varane Oo Ugu Hanjabay Kooxda Real Madrid Inuu Ka Tagayo Xagaaga Soo Aadan

(Real Madrid) 05 May 2018. Daafaca kooxda Real Madrid Raphael Varane ayaa ku hanjabay inuu ka tagayo garoonka Santiago Bernabéu suuqa xagaaga soo aadan, sida uu ku waramayo wargeyska Daily Mail.

Warar badan ee soo baxay dhawaanahan ayaa waxay tilmaameen in madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu doonayo in uu Los Blancos ka fasaxo difaaca xulka qaranka France xili ciyaareedka soo aadan.

Florentino Perez ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo badalka Raphael Varane, sababa la xiriira inuusan ku qan cin qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkan, iyadoo Los Blancos ay si xioogan uga dhiban tahay dhanka difaaca.

Raphael Varane ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneen sii joogi taanka kooxda Real Madrid, Sababa la xiriira in mushaharka uu qaato uu ka hooseeyo marka lala barbar dhigo saaxiibadiis kula sugan Santiago Bernabéu

Difaaca reer France ayaa ka dalbaday saraakiisha kooxda Real Madrid in mushaarkiisa lala mid dhigo kabtanka kooxda Sergio Ramos, ama uu soo dhaweenayo xagaaga soo aadan u dhaqaaqista kooxda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close