Marco Asensio Oo Ku Qal Qaalinaya Maamulka Kooxda Real Madrid In Ay Lasoo Saxiixdaan Xidigan

(Real Madrid) 05 May 2018. Wargeyska Don Balón ayaa shaaciyay in Marco Asensio uu ku qalqaalinayo madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez inuu lasoo saxiixdo xidiga kooxda Bayern Munich Thiago Alcântara xili ciyaareedka soo aadan.

Thiago ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xidigaha ugu fiican kooxda Bayern Munich, tan iyo markii uu gaaray garoonka Allianz Arena sanadii 2013.

Wararar badan ee dhawaan soo baxayay ayaa waxay muujinayeen in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu doonayo inuu kala soo saxiixdo Bayern Munich xidigeeda Thiago Alcântara xagaaga soo aadan.

laakiin Marco Asensio ayaa aaminsan in xidiga kooxda Bayern Munich Thiago Alcantara uu yahay badalka Luka Modric ee khadka dhexe kooxda Real Madrid.

Kooxda caasimada Madrid ka dhisan ayaa hadii ay u dhaqaaqdo saxiixa Thiago Alcantara waxay loolan adag kala kulmi doontaa dhigeeda Barcelona oo iyadana dooneysa in markale xidigeedan ay dib u soo ceshato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close