Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis Oo Wadada U Furay Kooxda Chelsea Kadib Markii…

(Napoli) 05 May 2018. Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa weeraray tababare Maurizio Sarri kadib guuldaradii kaga soo gaaray kooxda Fiorentina 3-0 kulankii ka tirsanaa horyaalka Serie A, taasoo ka dhigeysa in Juvetus ay ku sii dhaawaaneyso ku guuleysiga horyaalka.

Aurelio De Laurentiis ayaa kadib guuldarada soo gaartay Napoli wuxuu sheegay: “Waxay ahayd wax la filayay, sababtoo ah lama adeegsan ciyaartoyda kooxda oo dhan kulamada qaar, natiijadana waantan aragnay”.

“Waxaa suuragal noqon kartay in la nasiyo kulamada qaar inta ugu badan, si loo arko waxyaabaha muhiimka ah inta xili ciyaareedka uu socdo”

“Balse marka aad adeegsato isla ciyaartiydan kulan kasta, taas waxay ka dhignaan doontaa inaad hesho isla natiijadan”

“Laakiin hadii uusan jiri lahayn dhaawac sida Faouzi Ghoulam, ma heli lahayn ciyaartoy sida Mary Roy oo kale”

Waxay u muuqataa in xiriirka u dhaxeeya madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis iyo macalin Maurizio Sarri uusan wanaagsaneen, taasoo albaabada u furi doonta kooxd Chelsea  oo si aad ah u xiiseeneysa saxiixiisa si ay kaga dhigato badalka Antonio Conte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close