Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis Oo Ka Hadlay Isqabqabsga Xili Ciyaareedkan Ka Jira Champions League

(Napoli ) 05 May 2018. Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka hadlay muranka xoogan ee dhanka Champions League oo xiliyadii lasoo dhaafay in badan soo noqnoqatay, gaar ahaan xili ciyaareedkan.

Aurelio De Laurentiis ayaa ka hadlay dhacdooyinkii kulamada wareega afar dhamaadka ee Champions League ay isku arkeen kooxaha Liverpool, Roma, Real Madrid iyo Bayern Munich.

“Waan ka xumahay wixa ka dhacay Champions League, fikradaha qaldan waa wax fudud, laakiin waxaa muhiim ah inuu jiro kulan Real Madrid iyo Liverpool, marka loo barbardho kulanka Roma iyo Bayern Munich, Spain iyo England waa labada dal ee ugu muhiimsan kubada cagta”.

“Iyadoo loo marayo tiknoolajiyada fiidiyowga, Roma waxay ciyaari lahayd waqti dheeri ah, Bayern ayaa ku dhawaatay inay ku qasabto inay aadaan guryahooda, in kastoo laga diiday rigoodhe cadaan ah, waxa aan u baahanahay ayaa in la helo tiknoolajiyada fiidiyowga kulamada Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close