Labo xiddig oo muhiim ah oo seegay tababarkii saaka ee kooxda Arsenal

(London) 05 Maajo 2018 Tababare Arsene Wenger ayaa ka walwalsan in laba xiddig oo muhiim ah ay seegaan kulanka sagootintiisa ee barri.

Arsenal ayaa qorshaysay in barri ay sagootiso tababare Arsene Wenger kulan kooxdu ay marti qaadi doonto Burnley horyaalka ingiriiska.

Image result for Ramsey Ozil

Sida ay baahisay Express, Aaron Ramsey iyo Mesut Ozil ayaa seegay tababarkii saaka ee kooxda Arsenal ay isugu diyaarinaysay kulanka Burnley.

Labada laacib ayaa kulan wayn u ciyaaray Arsenal khamiistii, waxaana suurogal ah inay dareemayaan daal ama inuu jiro dhaawac fudud oo ay qabaan.

Arinka kale ee farxada u ah tababare Wenger ayaa ah in Santi Cazorla uu dib ugu soo laabtay tababarka isla markaana uu qayb ka ahaa tababarkii saaka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close