Laba Kooxood Ka Dhisan Horyaalka Premier League Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Yaya Toure

(Chelsea) 05 May 2018. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha Everton iyo Huddersfield Town ay daawanayaan xaalada xidiga kooxda Manchester City si ay ugu dhaqaaqaan saxiixiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Everton iyo Huddersfield Town ayaa xiiseynaya inay helaan adeega 34 jirka Yaya Toure, ka dib marka uu ka tago kooxda Manchester City.

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaciyay jimcihii in ciyaaryahanka reer Ivory Coast ee Yaya Toure uu ka tagi doono Sky Blues dhamaadka xili ciyaareedkan, kadib markii uu maaliyadeeda soo xirnaa mudo dhan 8 sano.

Laacibkii hore kooxda Barcelona ayaa ku faraxsan sii joogi taanka England, mana doonayo inuu ka dhaqaaqo, xili uu dalabyo kala duwan uu ka helayo horyaalka dalka Shiinaha.

Yaya Toure ayaa aaminsan inuu weli awood u leeyahay inuu buuxiyo shuruudaha horyaalka Premier League, wuxuuna doonayaa in sanado kale uu sii joogi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close