Didier Drogba Biyo uu Cabay oo Sabab u Noqday Gool iyo Guul ay Gaartay kooxdiisa+SAWIRRO

( America ) 05 Maajo 2018. Didier Drogba ayaa ku kaftamay in malaha ay ahaayeen biyo barakeysan kadib markii uu cabay biyo ku jiray caag kulankii ay kooxdiisa Phoenix Rising guul soo laabasho ah ka gaartay dhigooda Galaxy II kulan ku idlaaday 4-3.

Naadiga Drogba waxa lagu hogaaminayay 3-2 ciyaar ka tirsaneed horyaalka United Soccer League maalintii jimcaha, wuxuuna soo qaatay dhalo biyo ah.

Daqiiqadii 70-aad Drogba ayaa sugay inuu tuuro koorno ama gees kalaad wuxuuna cabay xogaa biyo ah oo ay wateen laba carruura oo fadhiday dhinaca koornada.

Jason Johnson ayaa madax ku dhaliyay koornadii uu soo laaday Drogba wuxuuna sidaas ugu barbareeyay kooxdiisa goolka lagu hogaanimayay.

Dhaliyaha goolka Johnson ayaa u cararay dabaal dag goolkaa halka Drogba uu go’aan saday inuu ku dabaal gado caaga biyaha ah isagoo madaxad isaga shubay biyo.

Intaa kadib Drogba wuxuu u dhaliyay kooxda uu milkiyadeeda leeyahay goolka guusha oo ahaa rigoore daqiiqadii 78-aad.

Kulanka labada koox ee Phoenix Rising iyo Galaxy II ayaa ugu dambeyn kusoo idlaaday 4-3 oo ay guusha ku raacday kooxda Didier Drogba ee Phoenix Rising.

Didier Drogba has joked that he might have had 'holy water' during Phoenix Rising's match

Drogba drank some water out of a bottle at the side of the pitch before taking a corner

After taking a sip from the bottle he inspired Phoenix to come back to beat La Galaxy II 4-3

Jason Johnson headed Drogba's resulting corner home to equalise for Phoenix in the match

Drogba celebrated Johnson's goal by grabbing the bottle and pouring water over his head

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close