DEKEDDA VS BANAADIR :Tolow yaa ku guuleysan doona Somalia Premier League ????

(Muqdisho) 05 Maajo 2018.Horyaalka Somalia Premier League ayaa si xiiso leh u soconaya,waxaana ka qayb qaadanaya 10 kooxood oo u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Kooxda Heegan ayaa dhawaan  iska lumisay fursadii ay ugu dagaalami kartay hanashada horyaalka kaddib  bar barahii Dekedda.

Xog muhiim kuu ah

Sida sharciga uu yahay mala xisaabin doono farqiga goolasha markii ay isku dhibco noqdaan kooxaha u dhacaya heerka labaad ama kuwa ku dagaalamaya hanashada horyaalka.

Ogoow Farqiga goolasha waxa la xisaabinayaa kaliya markii ay isku dhibca noqdaan kooxaha u dhaxeeya kaalinta labaad illaa siddeedaad.

Banaadir wax kullan ah uma harsana waxa ayna leedahay 38 dhibcood,halka Dekedda ay gacanta ku haysato laba ciyaar oo ay wajihi doonto Betroolka iyo Madbacadda oo mid ka mid ah ka cararaysa in ay u dhacdo heerka labaad.

Ma dhici doonto in labada kooxood ay isku dhibco noqdaan sababtoo ah BSC ayaa shan dhibcood dheer kooxda Dekedda oo laba kullan u harsan.

Sidee labada  koox ay  ku qaadi karaan horyaalka

Hal kullan oo laga badiyo ama bar baro lagu celiyo Dekedda ayaa ku fillan BSC in ay u dabaal degto hanashada horyaalka.

Halka waddo ee u furan Dekedda ayaa ah kaliya in ay badiso labada ciyaar ee u dhiman,waana wadada kaliya ay ku hanan karto horyaalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close