DAAWO: Arda Turan oo sidii lagu yaqaanay la dagaalay calanwade (Maxaase ku dhacay kadib?)

(Istanbul) 05 Maajo 2018 Xiddiga amaahda uga maqan kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa la dagaalay calan wade kadib markii uu u dhigi waayay qalad lagu galay.

Arda Turan oo hogaaminaya weerar kooxdiisa ah ayaa lagu galay qalad balse kubadda ayaa ku dhacday isaga ka hor intii aysan ka bixin garoonka.

Calanwadaha ayaana foorotuukii siiyay laacikii ka soo horjeeday, Arda Turan ayaana kadib is celin waayay, wuxuuna ku qayliyay calanwadihii isaga oo kala tuuray.

Garsooraha ayaan la dhicin falka uu sameeyay xiddiga amaahda uga maqan Barcelona ee Arda Turan, wuxuuna durba wajiga ka saaray casaan.

Laacibka ayaana dhacdadaas ku mutaysan kara ganaax dhawr kulan ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close