Coutinho: “Waa Wax Aan Suurtagal Aheyn In La Buuxiyo Booska Iniesta Ee Barcelona”

(Barcelona) 05 May 2018. Philippe Coutinho ayaa soo afjaray isbarbardhigka Andres Iniesta ee ku saabsan awooda uu u yeelan karo ciyaaryahanka reer Brazil inuu buuxiyo booskiisa kadib marka uu baxo dhamaadka xili ciyaareedkan

Wargeyska “Sport” ayaa wuxuu wareysi gaar ah la yeeshay Philippe Coutinho kahor kulanka El Clasico ee soo aadan ay habeen dambe kula ciyaari doonaan garoonka Cump Nou kooxda Real Madrid.

Kubad qaabeeyaha xulka qaranka Brazil ayaa ku dooday in ay tahay wax aad u adag buuxinta booska kabtan Andres Iniesta, kadib marka uu ka dhaqaaqo Blugarana.

“Ciyaaryahan walba wuxuu leeyahay tayadiisa gaarka ah, waana waxaan suuragal noqon doonin in la buuxiyo booska Andres Iniesta, waa ciyaaryahan qaas ah, waxaa jira kaliya hal Iniesta oo adduunka ah”

“Waxaan ku soo biiray Barcelona bishii Janaayo, bilooyin yar kadib waxaan dareemay farxad ka dib marka aan ku guuleesanay horyaalka iyo Copa del Rey”.

“Xaqiiqdii, waan ku faraxsanahay halkan, ka ciyaarista Barcelona waxay ahayd riyadeyda, inbadana waxaan halkan kaga raaxeystaa waqtigeyga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close