Diego Simeone Oo Ka Hadlay Wararka Ku Aadan In Griezmann Uu U Dhaqaaqi Doono Barcelona

(Atlético Madrid) 05 May 2018. Diego Simeone ayaa beeniyay wararka ku aadan in Antoine Griezmann uu ka tagi doono kooxda Antoine Griezmann islamarkaana uu u dhaqaaqi doono Barcelona xagaaga soo aadan,

Simeone ayaa sidoo kale sheegay in uu diirada saarayo kulanka La Liga-ha ee kooxda Espanyol si ay u guuleystaan isla markaana ay u difaacdaan booskooda kaalinta labaad.

Luis Suarez ayaa dhaawaan dabka kusii shiday wararka xanta ah ee ku aadan Antoine Griezmann wuxuuna sheegay in uu ku soo dhaweenayo kooxda Barcelona.

Hadaba Simeone oo ka hadalayay mustaqbalka Griezmann ayaa wuxuu sheegay: “Kama fikireyno xaaladaha shaqsiga ah, laakiin waxaan ka shaqeyneynaa inaan sii heysano ciyaartoydeena muhiimka ah, si ay kooxda horumar u gaarsiiyaan”.

Simeone ayaa wax laga weydiiyay hadalka Suarez ee ku aadanaa Griezmann wuxuuna jawaab kaga dhigay: “Espanyol…isagoo tilmaamayay in waxa kaliya uu ka fikarayo uu yahay kulanka bari, iyadoo kooxda Diego Simeone ay haatan dooneyso inay u dagaalanto booskeeda kaalinta labaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close