Wenger Oo Quus Ka Taagan Dhaawaca Laurent Koscielny Kasoo Gaaray Kulankii Atletico Madrid.

(Arsenal) 04 May 2018. Arsene Wenger ayaa ka hadlay dhaawacii darnaa ee kasoo gaaray Laurent Koscielny inta uu socday kulankii lugta labaad wareega afar dhamaadka Europa League.

Laurent Koscielny ayaa la filayaa inuu ka maqnaado Koobka Adduunka 2018, sababa la xiriira dhaawac halis ah ee soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii ay Arsenal looga cirib tiray koobka Europa League.

Wenger ayaa yiri: “Xaalada aad ayay adag tahay, waxaan rajeenayaa in raajadiisa marka ay soo baxdo ay wanaagsanaato, laakiin xaalada waxay u muuqataa mid adag”.

“Waxaan filayaa in dhaawaciisa uu yahay mid aad u daran, laakiin waan ka taxadir badanahay, sababtoo ah cidina ma xaqiijin karto haatan, sida ay noqon doonto xaaladiisa”.

“Waxay ku xiran tahay jawaabta ay raajada soo saarto, hadii uu dhaawaca yahay kala bax dhanka jilibka ah, ma jiri doonto wax fursad ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close