Serigo Ramos oo DIGNIIN CAD u soo diray Maxamed Saalax ka hor Final ka Champions League

(Europe) 04 Maajo 2018. Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa Digniin cad oo aan gambasho lahayn u soo diray Maxamed Saalax ka hor Final ka Champions League.

Daafaca Mayilka adag ayaa hoos u dhigay Khatarta Maxamed Saalax isagoona sheeganaya inuu ka mid yahay 11-ciyaaryahan ay la ciyaari doonaan Final ka isla markaana uu horey ula soo ciyaaray kuwa isaga ka halis badan.

“Waynu aragnay Waxa uu Maxamed Saalax sameyn karo kal ciyaareedkan, laakiin wuxuu noqon doonaa uun hal laacib oo ka tirsan 11-ka aan ku wajaheyno Liverpool,” Ramos ayaa sidaa u sheegay Daily Mirror.

Sergio Ramos fires warning to Mohamed Salah ahead of Champions League final

“Waaheyga ciyaareed, waxaan wajahay weeraryahannada ugu fiican dunida. Intooda badan waxaa lagu tilmaamay kuwii ugu fiicnaa ebid.

“Aniga ahaan, marna cabsi ma jirto, Xushmad haa laakiin marna cabsi ma jirto.”.

Real Madrid oo u hanqal taageysa inay ku guuleysato Champions League markii saddexaad oo xiriir ah ayaa waxay Magaalada Kiev isku qaban doonaan Liverpool oo u ooman koobkan 26-ka bishan May.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close