Sampaoli Oo Ku War Galiyay Dybala Go’aankiisa Kama Dambeysta Ah Ee Ku Aadan Ka Qeyb Qaadashadiisa Koobka Aduunka 2018

(Juventus) 04 May 2018. Macalinka xulka qaranka Argantina ee Jorge Sampaoli ayaa wuxuu kulanka gaar ah la qaatay weeraryahanka da’ada yar ee kooxda Juventu Paulo Dybala, wuxuuna u sheegay inuu qeyb ka yahay qorshihiisa koobka aduunka 2018 ka dhici doona dalka Russia.

Sida uu daabacay wargeyska “Mundo Deportivo” Jorge Sampaoli ayaa kula kulmay xidigiisa Paulo Dybala magaalada Torino, wuxuuna ku war galiyay inuu isku diyaariyo ka qeyb galka koobka aduunka ka dhici doona dalka Russia.

Si kastaba ha ahaatee, Sambali ayaa ku kalsoon awoodda weeraryahankii hore ee kooxda Palermo Paulo Dybala wuxuuna aaminsan yahay inuu bandhig wanaagsan ka sameyn doono koobka aduunka ee soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close