Sadio Mane oo fariin kulul u sii diray Real Madrid ka hor Final-ka Champions League

(Liverpool) 04 Maajo 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa fariin kulul u sii diray kooxda Real Madrid oo ay isaga hor imaanayaan Final-ka Champions League.

Sadio Mane ayaa u sheegay Real Madrid inay iyagu yihiin Liverpool isla markaana ay awoodaan inay guul ka gaaraan koox walba oo ka dhisan adduunka.

Wuxuu intaa ku daray in kooxdiisu ay u ciyaarayso kulanka Final-ka si ay koobka uga qaadato Real Madrid oo difaacanaysa koob kaan.

“Ixtiraam badan ayaan u haynaa Real Madrid, waa mid kamid ah kooxaha ugu fiican adduunka, laakiin waxaan nahay Liverpool” ayuu yiri Sadio Mane.

“Waxaan nahay koox xoogan, waan awoodnaa inaan ka adkaano koox walba oo ka dhisan adduunka, waan rumaysanahay taas, waan aadaynaa halkaas si aan uga soo adkaano”.

“Cabsi la’aan ayaan ciyaaraynaa kulanka Final-ka, waxaan ku kalsoonahay inaan dhalin doono goolal, ma jirto sabab aan uga cabsan karno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close